Illinta Geela oo la ogaadey in ay daawo u tahay sunta qaniinyada masaska.

0
202

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sida lagu ogaadey cilmi baaris ay sameeyeen saynisyahanno fadhigoodu yahay Dubai, illinta geela ayaa waxay daawo u tahay waabaayada maska oo sannad walba galaafata kumannaan qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool.

Daahfurkan oo uu soo xigtey webka India Online, ayaa waxaa lagu ogaadey in dhibic qura oo illinta geela ah ay daaweyn karto sunta 26 Mas ah oo dilaa ah, taas oo haddii lagu guuleysto naruuro u noqon karta dhibbanayaasha qaniinyada maska oo illaa hadda aan daawo ku filan looo helin.

Illinta geela oo ay ku jiraan maadooyin borotiin ah oo kala duwan, sida lysozyme, ayaa cilmibaaristani yididiilo cusub ku abuureysaa saynisyahannada dunida, gaar ahaan shirkadaha daawada sameeya oo muddo dheer dadaal ugu jirey sidii loo heli lahaa daawo rasmi ah oo lagula tacaalo dhammaan sunta masaska dilaaga ah, gaar ahaan dunida soo koreysa oo ah halka ugu badan ee loogu dhinto qaniinyada maska.

Warbixinta laga soo saaray baaritaanka lagu sameeyey faa’idooyinka ku jira illinta geela oo aan weli si kama dambeys ah loo daabacin, ayaa haddii la xaqiijiyo bog cusub u fureysa nolosha dadka reer miyiga ah ee aalaaba halaqa la deriska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here