imaaraadka carabta oo imaamyada ku amray in lasoo gaabiyo qod-badaha jimcaha mudo 2 bilood ah

0
46

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Iimaaraadka carabta ayaa amray in la gaabiyo khudbada Jimcaha ee masaajidyada si dadka cibaadaysanaya looga ilaaiyo kulaylka aadka u daran, ayadoo heerkulka sare u kacay lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.

Maamulka guud ee arrimaha islaamka ayaa qoraal uu soo saaray Khamiistii wuxuu amar ku bixiyey in iimaamyadu ay khudbadooda ku soo gaabiyaan 10 daqiiqo muddada u dhaxaysa bilaha Juun ilaa iyo Oktoobar, markaas oo heerkulku uu yaraan doono.

Inta badan khudbadaha jimcaha ayaa socda ilaa 20 daqiiqo, laakinse intaa wuu ka badan karaa wakhtiga. Waxaa kaloo jira in masaajidyadu markay buuxsamaan ay dibadda dad aad u badan salaadda ku tukadaan.

Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go’aankan loo qaatay “bedqabka dadka cibaadeysanaya, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha xilliga xagaaga”.