Baladweyne (Radio Beerlula)-Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay Mareykanka in uu dalkaasi doonayo in uu martigeliyo wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
Wada hadalladaasi oo ugu dambeyntii keeni kara shir-madaxeed nabadeed oo dhexmara madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Inuu ahmiyad badan siinayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale dadaal ugu jira sidii door muhiim ah uu ugu yeelan lahaa wadahadalada lagu soo afjarayo coladadda saddex sano jirsatay ee Ruushka iyo Ukraine .


