Baladweyne (Radio Beerlula)- Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System).
Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan.
Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey.
Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaadho xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021.