IMF oo malaayiin kale oo deyn ah aamihineysa Ukraine

0
43

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay oggolaatay bixinta lacag $2.2 bilyan oo dollar oo loogu talagalay Ukraine, taasoo ka dhigaysa wadarta lacagaha IMF ay ilaa iyo hadda siisay Ukraine ilaa $7.6 bilyan.

Qoondaynta lacagtan ayaa la ansixiyay ka dib markii IMF ay dhamaystirtay dib u eegista afraad ee heshiis maaliyadeed oo ay IMFta la gashay Ukraine.

Hey’adda IMF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hanaanka maareynta maaliyadeed ee Ukraine uu yahay mid weli xooggan oo adkeysi badan in kastoo caqabado iyo hubanti la’aan jirto.