Imran Khan iyo xaaskiiska oo racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday

0
141

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, oo xabsiga ku jira, iyo xaaskiisa Bushra Bibi ayaa rafcaan ka qaatay xukunno musuq-maasuq oo lagu riday, sida uu sheegay qareenkiisa.

Imran Khan, oo 72 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Agoosto 2023, isagoo wajahaya ku dhawaad 200 oo dacwadood oo uu ku tilmaamay kuwo loogu talagalay in lagu cadaadiyo siyaasad ahaan.

Xiddiggii hore ee cricket-ka ayaa bishan lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, halka xaaskiisa, Bushra Bibi, loo xukumay toddobo sano.

Tan iyo markii la xiray, Khan waxaa la xukumay afar mar, iyadoo laba xukun laga noqday, halka labada kale xukunadooda la hakiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here