Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.
Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.
Maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, waxaana ay ku xukuntay lamaanahan dambiyo lagu soo oogay oo xiriir la leh hay’ad samafal oo ay si wadajir ah u aas-aaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.
“Xeer ilaalinta ayaa cadeysay kiiskeeda, Khan waa la xukumay,” ayuu yiri garsoore Nasir Javed Rana, isagoo ku dhawaaqay 14 sano oo xariga Khan ah iyo toddobo sano oo Bushra Bibi ah.
Tan iyo markii laga tuuray xukunka 2022, xiddigii hore ee cricket-ka ayaa billaabay olole aan horay loo arag oo uu si cad ugu dhaleeceeyay Jeneraalada awoodda badan ee dalkaasi.


