Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin iyo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge ayaa si wada jir ah u daah furay imtixaan laga qaadayo shaqaalaha loo qaadanayo mashruuca Damal caafimaad kuwaasoo ka howlgali doona isbitaalka degmada Jalalaqsi.
Imtixaankan ayaa waxaa u fadhistay in ka badan 190 dhalinyaro ah oo bartay qeybaha kala duwan ee caafimaadka, iyadoona tirada la qaadanayo ay tahay 42 dhalinyaro ah.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey