Imtixaan loo furay 140 ruux oo ka shaqeysa nootaayooyinka Muqdisho

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS  Xasan Macallin Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray imtixaaanka Nootaayooyinka oo ay ka qeygaleen 142 ruux .

imtixaankan ayaa waxaa diyaariyay gudi ka madaxbaanan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS kuwaasi oo loo xilsaaray ineey qaadaan imtixaan hufan si loo helo dad si cadaalad ah uga shaqeeya kala wareejinta Hantida Guurtada ah iyo Maguurtada, sugidda cadaymaha sharciga ah, sugidda lahaanshaha,isla lahaanshaha iyo dhammaan hawlaha kale ee xeerku baneeyay.

Warbixintan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud