Imtixaanka shahaadiga ee ka socda Baladweyne oo maraya heer gabo gabo ah

0
108

Baladweyne (Radio Beerlula)- Imtixaankan dugsiga sare ee qaranka ee ka socda Magaalada Baladweyne ayaa maraya meel wanaagsan iyadoo Imtixaankan ay qaadeyso wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

Imtixaanka shahaadiga ee qaranka oo ardeyda dugsiyada sare ee dalka laga qaaday bishii May ee la soo dhaafay ayaa dib loogu dhigay ardeyda magaalada Baladweyne oo markii imtixaanka la qaadayay la daala dhacayay fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.