Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Hirshabelle Saciid Hagar Camalow, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, iyo duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa si wada jir ah xaruna iskuulka Mujamac ee magaalada Baladweyne uga daah furay imtixaanka shahaadiga ee qaranka.
In ka badan 2961 ardey oo ku nool degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa u fadhistay imtixaankan oo lagu galayo 15 xarumood.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi saneey



