In ka badan 10 ruux oo ku dhimatay dabka Los Angeles

0
72

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dab balaaran ayaa ku faafay xaafado ka tirsan Los Angeles, kaas oo barakiciyay kumannaan qof, iyadoo tirada dadka ku dhintay ay gaartay 10 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ayada oo Ciidamada Ilaalada Qaranka ee California loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan ka hor-tagista nidaam darrida.

Magaalada Los Angeles, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo in ka badan 10,000 dhisme la sheegay inay ku gubteen, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

Dabka ayaa illaa hadda ku baahay dhul dhan in ka badan 14,160 hektar, gudaha Los Angeles, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

Dabka ayaa laga damiyay meelo badan iyadoo la adeegsanayo diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suuragashay kaddib markii dabeylaha yaraadeen.

War ka soo baxay xafiiska baaraha dhimashada ee Los Angeles County ayaa lagu sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 10.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here