In ka badan 1400 oo ardey oo ku nool gobolka Hiiraan oo maanta u fariistay imtixaanka qaran.

0
352

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle Abukar Xassan Abukar, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar,  guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Maxamed Cilmi, iyo xubno ka socda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baladweyne ka daah furay imtixaanka qaran oo sannadkan gobolka Hiiraan ay uga qeyb galayaan in ka badan 1463 ardey.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Maxamed Cilmi, taliyaha saldhiga booliska Baladweyne gaashanle Cabdi Cumar Siyaad iyo Maxamed Xassan Mukhtaar oo ka socday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geystay imtixaanka iyagoo ballan qaaday inay masuuliyad gaar ah iska saari doonaan inta uu socdo imtixaanka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar  iyo wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle  Abukar Xassan Abukar ayaa haddalo dardaaran ah u jeediyay ardeyda iyagoo ballan qaaday inay garab taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here