In ka badan 200 maxaabiis oo ka baxsatay xabsi ku yaalla Indonesia

0
300

Baladweyne(Radio Beerlula)- Mas’uuliyiinta dalka Indonesia ayaa ku raad joogaa in ka badan 250 maxaabiis oo ka baxsatay xabsi ku yaalla gobolka galbeedka ku yaalla ee Papua.

Isniintii ayay maxaabiista baxsadeen xilli dibadbaxyo ballaaran ay ka dhaceen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan, waxaana dab la qabadsiiyay dhismaha xabsiga.

Rabshadahan ayaa ka bilaawday Indonesia kaddib markii ardey kasoo jeeda gobolka Papua xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inay qaddarin waayeen calanka Indonesia.

Ciidammado boolis ah oo dheeraad ah ayaa la geeyay gobolka Papua xilli halkaas la filayo inay dibadbaxyo kale ka dhacaan.

Kumanaan kamid ah shacabka ku nool gobolka Papua ayaa waxay Isniintii bannaanbaxyo ka dhigeen halkaas iyagoo ka careysan xiritaanka ardeyda.

Afahayeen u hadashay wasaaradda caddaalladda Indonesia waxay sheegtay in dab la qabadsiiyay xabsigii ku yaallay Sorong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here