Baladweyne(Radio Beerlula)- Ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay in dagaalladii labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka taagnaa magaalada caasimadda ah ee Tripoli ay ku dhinteen dad ka badan 200 qof.
Dadka dhintay waxay u badan yihiin ciidammo halka 18 qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaallada.
Kumanaan qof ayaa ka qaxay deegannada laisku hor fadhiyo ee bariga magaalada Tripoli.
Dagaallada kasoo cusboonaday Liibya waxaa uu u dhexeeyaa xoggaga daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto.