Baledweyne ( Radio Beerlula )-Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 27 qof oo meyd ah laga soo saaray goob uu shil doon ah ka dhacay oo ku taalla bartamaha gobolka Kogi.
Ugu yaraan 24 qof ayaa la soo badbaadiyay kuwaas oo lagu daweynayo isbitaallo kala duwan.
Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socda.
Marshalada biyaha iyo quusayaasha deegaanka ayaa ku mashquulsan raadinta kuwa badbaaday iyo meydadka dhibanayaasha.
In ka badan 100 qof ayaa weli maqan.
Doonta ayaa siday in ka badan 200 oo rakaab ah,