In ka badan 300 oo ruux oo ku nool deeganno hoos taga Boorama oo loo qeybiyay deeq raashin ah.

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’adda Samafalka ah ee Suldaan Elmi Kabaal Foundation ayaa deeq Raashin ah oo loogu tala galay bisha barakaysan ee Ramadaan u qaybisay 300 oo qoys oo isugu jira danyarta iyo agoomaha islamarkaana kunool Deeganada Boon, Xariirad, iyo Quljeed oo kamid ah deegano hoos yimaada magaalada Borama ee maamulka soomaliand.

Deeqdaan raashinka Ah ayaa isku jirtay Bur Bariis Sonkor Baasto iyo Saliid.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.