In ka badan 400 qof lagu la’yahay duufaanta ku dhufatay Malawi.

0
89

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mas’uuliyiinta dalka Malawi ayaa sheegay inay korodhay tirada dadka la la’yahay duufaanta ku dhufatay dalkaasi iyadoo, ilaa iyo hadda lagu laa yahay 427 qof .

Waaxda maareynta masiibooyinka ee Malawi ayaa Isniintii sheegtay in ay soo gaartay warbixinnada lagu qiimeynayo 15 gobol ay saameysay duufaanta.

Dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin UK, Tanzania iyo Zambia ayaa koox u diray diray Malawi si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu samatabixinayo dadka.

Waa markii labaad oo bil gudaheed ay duufaantan ku dhufato dalalka Mozambique iyo Malawi,waxay duufaanta burburisay guryo badan , waxaana sidoo kale ka dhashay fatahaado.