Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ku dhawaad 50 haween ah oo ku nool xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ayaa fursad u helay inaay si lacag la,aan ah ku bartaan qur’aanka kariimka iyo Culuumta kale ee shareecadda Islaamka.
Haweenkaan ayaa qur’aanka kariimka ka barto madarasada Al-ikhlaas oo aay dad muxsiniin ah ka hir giliyeen xaafada Buundaweyn si haweenka aan hori u helin fursad waxbarasho ugu faaideystaan si gaar ah waxbarashada Diiniga ah.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq