Baladweyne ( Radio Beerlula )-Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Antonov An-24 oo sidday ku dhawaad 50 qof oo ku burburtay bariga fog ee Ruushka Khamiistii maanta , ayaa laga cabsi qabaa in dhammaantood ay dhinteen.
Saraakiisha adeegga degdegga ah ee Ruushka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda dadkan islamarkana hadda ay socdan baaritaanno.
Waaxda u qaabilsan adeega degdegga ah ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradan ay ka baxday shaashadaha Raadaarka xilli ay ku sii jeedday goobtii ay ku socotay ee Tynda, oo ah magaalo ku taalla gobolka Amur oo xuduud la leh Shiinaha.
Diyaaradan ayaa waxaa maamusha shirkad fadhigeedu yahay Siberiya oo lagu magacaabo Angara.


