In ka badan 52 dhalinyaro oo baratay xirfaddaha farsamada gacanta oo munaasabad loogu qabtay Hargeysa.

0
49

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munasabada ay ku qalin jabinayeen in ka badan 52 dhalinyaro ah oo iskugu jira barakacayaal iyo qaxooti kuwaasoo la baray xirfaddaha farsamada gacanta sida cilaan sarka, xarqaanka iyo sameynta korontada.

Tababarkan xirfaddaha lagu baray dhalinyaradan ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda qaxootiga Norway ee NRC , wasaaradda dib u dajinta Somaliland iyo hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR, waxana xiritaanka tababarkan ka qeyb galay xubno ka socda wasaaraddaha Somaliland, bahda waxbarashadda, iyo hay’addaha qeybta ka ahaa mashruucan.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here