In ka badan 70 qof oo qabow ugu dhimatay dalka Afqaanistaan.

0
128

Baladweyne (Radio Beerlula)- In ka badan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay qabow ba’an ugu dhinteen gudaha dalka Afqaanistaan oo hadda uu ku dhuftay qabow ba’an.
Gobolka bartamaha ku yaal ee Ghor ayuu dhawaan heerkulku gaaray -33 digirii, waana heerkul aad uga hooseeyo heerka ay biyuhu ku fariistaan ama ku barafoobaan.

Wararka maxalliga ahi ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay suurtagal tahay in ay intaasi ka badan tahay.

Mas’uul ka tirsan waaxda saadaasha hawada ee dalkaasi Afqaanistan ayaa sheegay in qabowga xilligan uu noqonayo kii ugu ba’naa sanaddadii dhawaa.

Wasaaradda ka hortagga masiibooyinka dalkaasi ayaa sheegtay in qiyaastii 70 kun oo neef oo lo’ ah ay qabowga u dhinteen dalkaasi tobankii maalmood ee la soo dhaafay.