In ka badan laba kun iyo shan boqol oo ardey oo imtixaanka dugsiga dhexe loogu soo gaba gabeeyay Baladweyne.

0
73

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gaba,gabeeyay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe ee fasalka 8aad kaasi oo ay u fadhisteen in ka badan laba kun iyo shan boqol oo ardey.

Imtixaankan dugsiga dhexe ayaa socday mudo Afar maalmood ah kaasi oo ay u fariisateen arday badan oo isugu jirtay wiil iyo gabdho oo ka kala socday dugsiyada Ku yaalo magaalada Baladweyne ee gobalka Hiraan.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi