In ka badan laba kun iyo shan boqol oo ardey oo u fadhisatay imtixaanka dugsiga dhexe ee Baladweyne.

0
67
Baladweyne ( Radio Beerlula )Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga daah furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe kaasoo ay u fadhisteen in ka badan laba kun iyo shan boqol oo ardey.
Imtixaankan oo ardeyda degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan laga qaaday 22 -kii bishii May ayaa dib loogu dhigay ardeyda Magaalada Baladweyne maadaam waqtigii la qaadayay imtixaanka ay la daala dhacayeen fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.