Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 10,457 muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayay iyagoo isku dayaya in ay badda ku gaaraan Spain sanadkan 2024, sida uu sheegay urur aan dowli ahayn, iyadoo tiradan ay ka badan tahay 58 boqolkiiba sannadihii la soo dhaafay.
Kororka boqolkiiba 58-ka ah waxaa ku jira 1,538 carruur iyo 421 haween, ayey tiri kooxda u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Caminando Fronteras ama Walking Borders oo soo saartay warbixin daboolaysa muddada u dhaxaysa Janaayo 1 ilaa December 5, 2024.
Waxay ka dhigan tahay celcelis ahaan 30 dhimasho maalintii, taasi oo ka badan celceliskii sanadkii 2023 oo ahaa 18 qof maalinkii.
Kooxda waxay xogteeda ka ururisaa khadadka taleefoonnada ee loo diyaariyey muhaajiriinta saaran doomaha ay dhibaatadu haysato si ay ugu wacdaan gargaar, qoysaska muhaajiriinta la waayay iyo tirakoobka dowladda.
Sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha gudaha, 60,216 muhaajiriin ah ayaa si sharci-darro ah usoo galay Spain intii u dhexeysay Janaayo 1 iyo December 15 – taasi oo ah koror 14.5 boqolkiiba ah ee isla muddadaas sanadkii la soo dhaafay.