Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 17 caruur arday ayaa dhimatay ka dib markii uu dab qabsaday iskuul boodhin ah oo ay saxeedan caruurta oo ku yalla bartamaha Kenya, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada.
14 qof oo kale ayaa lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Ismamaulka Nyeri ee bartamaha Kenya.
Iskuulka ayaa hadda xiran iyadoo booliska ay baarayaan qeybta jiifka ee uu dabku ka kacay.
In ka badan 150 arday ayaa ku sugnaa qolalka jiifka markii uu dab qabsaday saqdii dhexe ee xalay xilliga maxalliga ah.
Dugsiga waxa wax ka barta carruurta da’doodu u dhaxayso shan iyo 12 jir.
Ilaa hadda lama oga waxa sababay dabkan ka kacay Akademiyada Hillside Endarasha, ee ismaamulka Nyeri.
Madaxweyne William Ruto ayaa dabkan ku tilmaamay mid argagax leh, isla markaana khasaare geystay, wuxuuna amray in la baaro.”Kuwa mas’uulka ka ahaa waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada..