Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa tababar loogu soo gaba gabeeyay in ka badan 25 saxafi kuwaasoo muddo laba malmood ah la barayay sida loo tebiyo doorashooyinka iyo habka saxaafaddu uga qeyb qaadan karto doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Tababarkan ayaa waxaa si wadajir ah iskaga kaashaday wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) iyo wasaaradda warfaafinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
waxa soo jeedineysa Sahro Ibrahim Dhicisow


