In kabadan 700 oo qof oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Zambia

0
41

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tirada dhimashada cudurka daacuunka ee Zambia ayaa gaartay ku dhawaad 700, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Waa tii ugu badnayd ee abid dalka laga diiwaan geliyo. Waxay ka bilaabatay caasimadda Lusaka, bishii Oktoobar waxayna tan iyo markaas ku fiday dhammaan gobollada Zambia oo uu ku dhacay in ka badan 19,000 oo qof.

MSF waxa ay sheegtay in daacuunka si fudud loo daweeyo – fuuq-celinta – laakiin la’aanteed daryeel habboon uu qofku ku dhiman karo saacado yar gudahood.

Cudurka waxaa sababa biyaha wasakhaysan, sidaas darteed helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo ayaa muhiim u ah joojinta sii faafitaanka.