Nin 60 caruur ah dhalay oo raadinaya xaas afaraad iyo caruur dheeraad ah

0
249

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sardar Haji Jan Muxammad Khan oo ku nool magaalada Quetta ee caasimadda gobolka Balochistan ee waddanka Pakistan ayaa sheegay in uu u dhashay canugiisii 60-aad, maalintii Axadda.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu sheegay in shan ka mid ah carruurtiisa ay noqdeen kuwo Alle ka jeclaaday [ka dhinteen] halka 55 ka mid ah ay nool yihiin oo caafimaad qabaan.

Waxa uu sheegay in uusan halkaasi ku joogsan doonin, hadii Alle idmona uu ubad badan dhalin doono, iyadoo uu sidoo kale qorsheynayo inuu guur Afaraad sameeyo.

Sardar Jan Muxammad Khan oo konton jir ah ayaa waxa uu ka soo jeedaa qabaa’ilka Khalji wuxuuna degan yahay dhanka bari ee magaalada Quetta. Waa dhakhtar caafimaad, waxaana uu xarun caafimaad ku leeyahay isla aagga.

Sida laga soo xigtay xogta ay soo saartay Qaramada Midoobay, laga soo bilaabo 1960-meeyadii, heerka kobaca dadweynaha ayaa hoos u dhacayay adduunka oo dhan halka sanadkii 2020 uu ka yaraa boqolkiiba hal. Pakistan Heerka kororku wuxuu ka yaraa boqolkiiba 2 oo waxa uu sannadkaas ahaa 1.9 boqolkiiba.