Real Madrid oo dooneysa mid kamid ah xiddigaha Liverpool

0
176

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Ibrahima Konate.

Xiddiga reer France ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Jurgen Klopp xagaagii 2021.

Konte ayaa Reds kula guulaystay FA Cup-ka iyo Leageu cup-ka sanadkiisii ugu horeeyay ee Liverpool isaga oo ciyaaray 29 kulan tartamada oo dhan.

Konte ayaa kaliya 11 kulan ciyaaray premier League maadama uu la tartamayay xiddiga Joel Matip kaas oo ah dookha 1-aad ee Klopp.

Xiddiga 23 jirka ah aya soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah koobkii adduunka kulamadii uu u ciyaaray xulkiisa.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay Real Madrid iyada oo uu tababaraha Los Blancos ee Ancelotti taageero weyn u yahay tayada xiddiga.

Sidaas darteed Real Madrid ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay Liverpool uga soo afduuban lahayd Konte.