Tahriibayaasha dhinaca badda ka gala Ingiriiska oo si weyn sare u kacay sannadkii 2022

0
133

Baladweyne (Radio Beerlula)-In ka badan 45,000 oo qof oo muhaajiriin ah ayaa sannadkii dhamaaday ee 2022, dhinaca badda ka galay dalka Ingiriiska, waxaana tiradaasi ay 17,000 ka badan tahay, tiradii muhaajiriinta ee dhinaca badda ka gashay Ingiriiska sannadkii 2021, sida lagu sheegay warbixin ay sii daysay dawladda Ingiriisku maalintii Axadda.

 

Arrintan ayaa noqotay, dood siyaasadeed oo saamayn weyn ku yeelatay xukuumadda haatan ka Talisa dalkaas oo hore u ballanqaaday inay hoos u dhigayso tahriibka, isla markaana ay tallaabo ka qaadayso kooxaha ka wax tahriibiya.

 

Tirada rasmiga ah ee sannadkan dhinaca badda ka soo gashay dalka Ingiriiska iyaga oo ka imanaya dalalka kale ee Yurub ayaa gaadhay 45,756, halka ay sannadkii kaas ka horeeyey ay ka ahaayeen 28,526.

 

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa isticmaala doonyo yaryar, waxayna galaan safar aad u halis badan, qaar badan oo ka mida ayaa nafohooda ku waaya inta ay ku dhex jiraan safarkaas dhinaca badda ah.