Maamulka gobolka Karkaar oo lawareegay shidaal loogu talagalay ceelasha deegaanka Yaka Yaka ee duleedka Qardho.

0
168

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’adda Bisha Cas ayaa maamulka gobolka karkaar ku wareejisay 20 fuusto oo shidaal ah oo loogu talagalay ceelbiyoodka deegaanka yaka yaka ee duleedka magaalada magaalada Qardho si loogu waraabiyo dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen waxaana madasha lagu wareejinayey goobjoog ka ahaa qaar kamid ah xilibaanada deegaanka odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’ada Bisha cas.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi.