Shuban Biyood Ka Dillaacay Dalka Malawi oo Sababay In Dugsiyada Albaabada loo Laabo

0
113

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Malawi ayaa ku dhawaaqday in ilaa amar dambe ay sii xidhnaan doonaan dugsiyada ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Lilongwe iyo magaalada ganacsiga ee Blantyre sababo la xarira xanuunka shuban biyoodka oo magaalooyinkaasi ku sii badanaya.

Go’aanka dowladda ayaa soo baxay iyada oo uu qorshuhu ahaa in Talaadada maanta ah ay ardaydu dib ugu noqdaan goobaha waxbarashada bacdamaa uu dhamaaday fasixii ay ku jireen.
Wasaaradda caafimaadka Malawi ayaa sheegtay in dugsiyada hoose iyo kuwa saree e ku yaalla labada magaalo ee aannu soo xusnay ay sii xidhnaan doonaan ugu yaraan laba todobaad.

Malawi oo ah dal sabool ah oo dhaca kofurta Afrika ayaa diiwaangeliyay ku dhawaad 18.000 oo kiis oo xanuunka Koleraha ah halka 595 qofna ay xanuunkaasi u dhinteen tan iyo bishii March ee sanadkii tagay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fiditaanka xanuunkan uu yahay kii ugu badnaa ee laga diiwaan geliyo Malawi mudo toban sano ah.

Xanuunkan ayaa sanad walba haleela ku dhawaad 4 milyan oo qof oo ku nool dunida waxaana u dhinta ku dhawaad 143 qof.