Xuska maalinta caalamiga ee dadka indhoolayasha oo maanta ku beegan

0
158

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sannadkii 2019-kii meelmariyay in sannad kasta 4-ta bisha Janaayo oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee dadka baahiyaha gaarka qaba gaar ahaan kuwa indhoolayasha.

Dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa inta badan helin daryeel caafimaad, waxbarasho, shaqo iyo ka qaybgalka bulshada.

Intii lagu jiray masiibada COVID-19, dhaqammo badan oo wanaagsan ayaa waxaa hirgeliyay qaybo ka mid ah nidaamka Qaramada Midoobay si kor loogu qaado ka jawaabida naafada ee COVID-19 oo lagu faafiyo macluumaadka farta indhoolaha.

Sidoo kale barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) waxay soo saartay 4,050 qalab farta indhoole ah oo ku saabsan wacyigelinta iyo ka hortagga COVID-19.
Maalinta indhoolayaasha adduunka, oo la xuso ilaa 2019, ayaa loo dabaaldegaa si kor loogu qaado wacyiga muhiimadda Braille oo ah habka isgaadhsiinta ee xaqiijinta buuxda ee xuquuqda aadanaha ee dadka indhoolayaasha ah iyo kuwa qayb ahaan aragga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle Abukar Xassan Abukar ayaa ka waramaya ahmiyadda maalintan iyo ka wasaarad ahaan kaalinta ay ka qaadatan sidii dadka baahiyaha gaarka qaba ay ku heli lahayeen waxbarasho gaar ah.

Qaar ka mid ah bulshada magaalada Baladweyne ayaa radio Beerlula uga waramay duruufaha dhanka waxbarasho ee heysata caruurtooda.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saney.