Hordhac: Chelsea Vs Man City: Citizen Oo Ish Ku Haysa Rikoodh Ay Ku Dhigtay Chelsea 12 Sano Ka Hor.

0
139

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kulanka ugu xiisaha badan Premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Man City iyo Chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ku qasban in ay gaadho guul ka caawisa in ay soo yarayso dhibcaha ay ka dambayso kooxda Arsenal ee hogaaminaysa premier League.

Dhinaca kale chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaah kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Nottingham Forest.

Kulanka: Chelsea Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa laga badiyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti galisay Man City kaliya kooxaha Blackburn iyo Arsenal ayaa ah labada kooxood ee ay chelsea 3 guuldaro oo xidhiidh ah kagala kulantay Stamford Bridge.

Man City ayaa 2 jeer ka badisay Chelsea premier League, marka kaliya ee ay 3 jeer oo xidhiidh ah ka badiyeen Blues ayaa ahayd intii u dhexaysay December 2009 iyo September 2010.

Man City ayaa badisay 7 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen chelsea waana in ka badan intii ay ka badiyeen 25-kii kulan ee hore.

Pep Guardiola ayaa laga badiyay kaliay 7 ka mid ah 34 kulan oo premier League ah oo uu ku ciyaaray London 3 ka mid ah guuldarooyinkaas waxa uu kala kulmay chelsea.