Inter Oo Napoli Dusha U Saartay Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Horyaalka Talyaaniga Xilli Ciyaareedkan.

0
151

Baladweyne(Radio Beerlula)-Inter Milan ayaa garaacday Napoli kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga kana tirsanaa todobaadkii 16-aad ee xilli ciyaareedka.

Napoli oo hogaaminaysa horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalk xilli ciyaareedkan.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran iyada oo labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay koox walba guul ku doonaysay.

Kooxda Napoli ayaa maamulaysay ciyaarta waxana ay Inter kaga awood badnayd dhinaca haysashada kubada iyo samaynta fursadaha.

Inter Milan ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinayeen goolka kooxda Napoli.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah xilli ay labada kooxoodba ku dhibaatoodeen in ay tijaabiyaan goolhayayaasha.

Waxa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta Iyada oo Inter doonaysay in ay dhaliso gool isla markaas Napili dhinaceeda ugu jawaabaysay fursado kale.

Daqiiqadii 56-aad ayay Inter dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Edin Dzeko kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Inter ayaa wixii intaas ka dambeeyay daafac gashay Xilli ay adeegsanayeen weeraro rogaal celis ah kana faa’iidaysaneen xiddigaha Napoli oo difaaca iloobay si ay u dhaliyaan goolka bar- baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan garaacday Napoli isla markaas dusha ka saartay guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga.