Midawga Yurub oo $414 milyan ku ganaaxay shirkadda Meta

0
131

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xeer-nidaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa  malaayiin dollar ku ganaaxay shirkadda iska leh Facebook ee Meta, iyaga oo ku eedeeyey xadgudubyo la xidhiidha xogta gaarka ah, iyaga oo ka mamnuucay in shirkaddu ay isticmaalayaasha ku nool 27-ka waddan ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ireland ayaa soo rogay laba ganaax oo wadartoodu dhan tahay 390 milyan oo Yuuro  una dhiganta ($414 milyan),

Shirkadda ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayso go’aankan.

Waxaa jira go’aan saddexaad oo ka dhan ah adeegga fariimaha la isku dhaafsado ee Whatsapp ee ay leedahay shirkadda Meta, kaas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka bishan.

Shirkadda Meta iyo shirkadaha kale ee dhinaca baraha bulshada ayaa cadaadisyo kala duwan kala kulmay sharciyada gaarka ah ee Midawga Yurub, kuwaas oo ah qaar ka mid ah kuwa ugu adag adduunka.