Roma iyo Ac Milan oo bar baro wada galay.

0
204

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Ac Milan ayaa bar-baro wakhti dambe ah kala kulantay kooxda AS Roma kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga kana dhacay garoonka San Siro.

Kulanka ayaa ahaa mid ay fiicantahay kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga iyaga oo ka awood badnaa kooxda tababare Jose Mourinho.

Daqiiqadii 30-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca Pierre Kalulu kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Ac Milan ahayd kooxda fiican isla markaas ka fiicnaa kooxda Jose Mourinho oo difaac ku jirtay.

Ac Milan ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Tommaso Pobega kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Laakiin kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ee AS Roma ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay gool ay ciyaarta dib ugu furtay waxana u dhaliyay xiddiga Roger Ibanez.

Kooxda AS Roma ayaa daqiiqadii 90+3-aad dhalisay goolka bar-baraha ay ciyaarta ugu soo laabatay waxana u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala qaybsadeen 3-da dhibcood ee kulanka kadib kulan xiiso leh oo qaybtii dambe xiiso yeeshay.