Manchester City oo lasoo wareegtay xidig cusub

0
148

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa da’yarka reer Argentina ee Maximo Perrone oo maanta lagu soo bandhigay garoonka Etihad Stadium, halkaas oo uu kaga biiri doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub.

Kubbad-sameeyahan oo ay Arsenal kasoo iibsatay Velez Sarsfield ayaa waxa uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah oo soconaya muddo shan sannadood iyo badh ah.

Maximo Perrone oo ay da’diisu tahay 20 jir, ayaa ah kubbad-sameeye is-muujiyey iyadoo ay da’diisu yar tahay, waxaanu soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer Yurub ah ka hor intii aanay kooxda tababare Pep Guardiola gacanta ku dhigin.

Kooxda koowaad ee Velez Sarsfield ayuu kulankiisii koowaad u saftay bishii March ee sannadkii hore, waxaana uu u ciyaaray 33 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey saddex gool, waxaanu ka caawiyey inay yimaaddaan semi-finalka Cpa Libertadores oo uu labadii ciyaarood ee labada garoonba uu dhaawac ku seegay, waxaana ka adkaatay oo reebtay kooxda reer Brazil ee Flamengo.

Maximo Perrone ayaa waxa uu sidoo kale u ciyaaray xulka qaranka Argentina ee 16-jirrada iyo 20-jirrada koobkii qaramada Latin America ee lagu qabtay Colombia.

Dadka sida dhow ula socda Maximo Perrone ayaa waxay ku tilmaamaan inuu leeyahay qaab-ciyaareedka Julian Alvarez oo sannadkii hore ay Man City lasoo wareegtay isla markaana wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee Qatar.