Iskuulka Eagle ee magaalada Baladweyne oo fursado waxbarasho siiyay arday danyar iyo agoon ah.

0
170

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ardeyda iskuulkan dhigtaa qoysaskoodu waxay u badan yihiin barakacayaal ka soo hayaamay deegannada kala duwan ee gobolka Hiiraan ee ay abaaruhu ku dhufteen, sidoo kale waxaa ku jira caruur kale oo agoon ah oo fursad u helay iney ka faa’iideystaan waxbarashada lacag la’aan ah ee iskuulka Eagle oo ku yaalla xaafadda Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne, iskuulkan ayaa waxaa hirgeliyay dhalinyaro iskood isku xilqaantay oo macallimiin ah.

Warbixintan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.