West Ham Vs Chelsea

0
121

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa kulankaan galeysa iyadoo niyadda ku haysa in kulamaduu ugu dambeeyay horyaalka in iyaga ay gacan sareeyeen West Ham.

Kulanka: West Ham vs Chelsea

Tartanka: premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonka: London Staduim

XAQIIQOOYIINKA KULANKA

West Ham ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka. Marka laga reebo guul 3-2 ah oo ka dhacday London Stadium xilli ciyaareedkii hore, taasoo la micno ah in Hammers ay guulo xiriir ah oo Premier League ah ka gaari karto Chelsea markii ugu horeysay muddo 20 sano ah.

Hammers ayaa laga badiyay shan ka mid ah 10kii kulan ee ay ku ciyaareen garoonkooda xilli ciyaareedka 2022-23, in ka badan sidii ku dhacday labadii xilli ciyaareed ee hore.

David Moyes aya akaliya hal guul u jira in uu diiwaan gashto 250 guul oo Premier League ah isagoo tababare ah. waxaana arintaas horay u sameeyay Alex Ferguson iyo Arsene Wenger .

Chelsea ayaa 7 kulan oo xiriir ah meel ka baxsan garoonkeeda guul la’aan tartamada oo dhan markii ugu horaysay muddo 12 sano ah. markii ugu xumeyd ee ay diiwaan gashteen guul la’aan xiriir ah oo ah 17 kulan ah wax aay aheyd  Apriil 2000 ilaa Janaayo 2001.

Potter ayaan laga badinin dhammaan lixdii kulan ee Premier League isagoo ahaa maamulaha Brighton kana hor tagay David Moyes-ka West Ham