Mikel Arteta Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Ka Dambaysay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Man City.

0
142

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mikel Arteta ayaa ku dhaleeceeyay kooxdiisa Arsenal in ay ‘goolal siiyeen’ Manchester City kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku kulmeen Emirates.

Kooxda Man CIty ayaa 3/1 kaga badisay Arsenal iyaga oo kaalinta 1-aad kala baxay isla markaas goolal kaga haya Kooxda Arsenal kadib guushii Emirates.

Hal khalad oo uu smaeeyay Takehiro Tomiyasu ayaa Man City ka caawiyay in ay dhaliso dhaliso goolka furitaanka ka hor inta uuna khalad uu sameeyay Gabriel Man City ka caawin in hogaanka ciyaarta dib ula wareegto.

Haaland ayaa ciyaarta dilay daqiiqadihii ugu dambeeyay xili Arsenal dusha loo saaday guuldaradii 3-aad ee premier League.

Arteta ayaa sheegay in khaladaadkii ay sameeyeen kooxdiisu kuna siiyeen Man City goolal dhib yar iyo khasaarintii Eddie Nketiah ay Man City ka caawisay in ay badiso kulanka.

“Waan khasaarnay, waxa aan ku celinayaa waan khasaarnay”ayuu Arteta yidhi.

“Waxa uu ahaa dagaal cajiib ah oo dhex maray laba kooxood laakiin anaga ayaa Man City siinay goolasha, anaga ayaa gabi ahaan siinay goolasha”.

“Sidoo kale waxa aan helay 3 fursad oo waaweyn laakiin gool umaanu badalin arintaas ayaana ahayd farqiga labada kooxood”ayuu sii raaciyay.