Taageere Saadaaliyay In Ay Arsenal Kaliya Hal Dhibic Ka Heli Doonto 3-dii Kulan Ee Ugu Dambeeyay.

0
95

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa mar kale dhibco lumisay iyada oo bilaa guul noqotay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Arenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Man City isla markaas iska khasaarisay 8 dhibcood oo ay ku haysay hogaanka horyaalka premier League.

Gunners ayaa kaliya hal dhibic ka heshay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka premier League iyaga oo bar-baro 1/1 ah la galay kooxda Brentford.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in taageere sii saadaaliyay in ay Arsenal kaliya hal dhibic ka heli doonto 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay.

24 bishii hore ee January ayuu taageeree Arsenal ah bogiisa Twitter-ka ku soo qoray:

3-da kulan ee ay Arsenal ciyaari doonto ee xiga

Everton

Brentoford

Man City

Imisa dhibcood ayaan ka heli karnaa, anigu 9 dhibcood ayaan leeyahay?

Laakiin taageere ayaa si sax ah u saadaaliyay waxana uu sheegay in ay Arsenal kaliya hal dhibic ka heli doonto 3-da kulan:

Taageeraha oo Tottenham ahaa ayaa yidhi hadii aan xaqiiqda ka helo hal dhibic.

Everton 1-0 Arsenal

Arsenal 1-1 Brentford

Arsenal 0-3 Man City