Dhacdo dad badan ay la yaabeen oo ka dhacday dalka Hindiya

0
129

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Nin u dhashay dalka Hindiya oo 2 sano ka hor la shaaciyay inuu dhintay ayaa si lama filaan ah qoyskiisa dib ugu soo laabtay.

Kamlesh Patidar oo ka soo jeeda tuulada Kadodkalan , ayaa la rumeysnaa in uu ku dhintay Gujarat xilligii ay socotay mowjadii labaad ee feyriska Corona February 2021.

Dhakhaatiirta ayaa xilligaasi shaacisay inuu “u dhintay” xanuunka COVID-19.

Dhacdan oo dad badan fajac iyo lama filaan ku noqtay ayaa waxaa si wayn wax uga qoray warbaahinta dalka Hindiya.

Qoyskiisa ayaa markii uu u soo galay waxaa ay ku noqtay naxdin iyo farxad is wadata.

Sida uu u sheegay Kamlesh adeerkii oo lagu magacabo Rameshwar, markii uu xanuunka Corona ka soo bogsaday ayaa waxaa afduubtay kooxo burcad ah oo muddada intaasi dhan haystay.