HADAL CAD: Ten Hag Oo Kaddib Ceebtii Xalay Ku Dhacday Si Cad Ugu Hadlay Haddii De Gea Kooxda Sii Joogayo

0
154

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay haddiiba goolhayaha 32 sano jirka ree Spain ee David De Gea wali mustaqbal ku leeyahay kooxdaas.

De Gea ayaa xalay sameeyay qalad weyn oo dilaa ah kaddib markii West Ham United gool ay kaga adkaatay Red Devils uu si sahlan kaga dhaliyay Said Benrahma.

De Gea ayuu heshiiskiisa Man United dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxa uu mushahar ahaan u qaataa 375,000 oo pound toddobaadkii isagoo ah shabaq ilaaliyaha ugu mushaharka badan caalamka.

In badan oo kamida jamaahiirta Man United ayaa qaba inay tahay wakhtigii laga gudbi lahaa maadaama oo uusan ahayn goolhaye casri ah oo ku fiican baaska kuna soo baxaya falsafada cusub ee Ten Hag hirgalinayo.

Haddaba, iyadoo ay sidaas tahay ayuu tababaraha Dutch-ka ahi isla  xalay kaddib dhammaadkii kulankaas uu galaaftay si cad u sheegay inay doonayaan in De Gea heshiis cusub saxeexo kooxdana sii joogo.

“Waxaanu doonaynaa inuu joogo waxaananu doonaynaa inuu dheereeyo heshiiskiisa. Wuxuu haystaa shabaqyada ugu badan ee nadiifta ah Premier League, booskan maanu joogneen la’aantiis”.

“Waxaan aaminsanahay inaysan wax werwero ahi jirin, way dhacdaa. Ka koox ahaan waa inaad la tacaashaan, muujiya dabci wanaagsan, kasoo kabta, kasoo laabta taasina waa waxa ay kooxdani samayn doonto”.

Guuldarradaas xalay ayaa ka dhigan in Liverpool hal dhibic usoo jirsatay Man United taas oo werwer xoogan galinaysa fursadooda ka qayb galka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.