Maalinta Caalamiga ee ka hortaga Tubaakada oo Maanta Dunida laga xusayo.

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sanad walba 31 may Waxaa guud ahaan caalamka laga xusaa maalinta tubaakadda Adduunka iyadoo looga hadlo Ka ilaalinta dhalinyarada khalkhalgelinta waxsoosaarka iyo kahortagga tobaakada.
Hal ku dhiga sanadkan wuxuu yahay “Uma baahnin tubaako ee waxaan u baahanahay raashin”

Ujeedka sanadkan wuxuu yahay inaan dhiiri galino sarana u qaadno wax soo saarka dallaga sidoo kalena beeraleeyda tubaakada beerato laga wacyi galiyo sidii ay dalagyo kale u abuuran lahaayeen oo nafaqo iyo nacfi laga helaayo.

Tubaakada waxay dishaa kala bar dadka adeegsado iyadoo WHO ay sheegtay in sanad walbo 8 milyan oo qofood iyo ka badan cunista tubaakada u dhmato.

Dr Aadan Yuusuf Xuseen oo kamid ah bahda caafimaadka ee ka howlgala magaalada Baladweyne ayaa Radio Beeerlula uga waramay muhiimadda maalintan iyo caafimaad darada lagala kulmo isticmaalka Tubaakada

Faarax Cabdi Geedi oo kamid ah dadkii horay u isticmaali jaray ayaa Radio Beerlula uga waramay saameynta uu kala kulmay

Sheekh Xamse Yuusuf nuur Oo kamid ah Culimada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga warbixiyay waxa diinta islaamka ay ka qabto cunista tubaakada

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.