Tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal ah oo halmar galay Ingiriiska

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 600 oo tahriibayaal ah ayaa Axaddii ka tallaabay kanaalka Ingiriiska, tiradaas oo ah tiradii ugu badnayd ee hal maalin ah ilaa hadda sanadkan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Ilaa 616 qof ayaa la arkay iyaga oo ka soo safraya dalka Faransiiska waxa ayna wateen 12 doonyood oo yar yar.

Tiradii ugu badneyd oo horay loo diiwaan geliyay ayaa ahayd 497 qof Abriil 22.