Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Jurrien Timber,

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa laga soo diiday dalabkii koowaad oo 30 Milyan oo pound ah oo ay ku doonayso daafaca dhexe ee Ajax ee Jurrien Timber.

22 sano jirka xulka qaranka Holland ayaa lagu qiimeeyaa 50 Milyan oo pound, isaga ayaa shaqsiyan doonaya inuu u wareego Emirates Stadium.

Image

Mikel Arteta ayaa doonaya saxeexa daafac dhawr boos ka ciyaari kara, kubadda xaga dambe kasoo dhisaya isla markaana sida Oleksandr Zinchenko khadka dhexe soo gali kara dhammaana waxa calaamadahaas koobsaday Timber.

Timber ayaa bartilmaameed u ahaa Manchester United sanad kahor halka Liverpool magaciisa lala xidhiidhinayay bilihii ugu dambeeyay.

Arsenal ayaa la sheegay inay xagaagan haysato lacag 180 Milyan oo pound ah, waxay durba ka shaqaynayaan heshiisyada Declan Rice iyo Kai Havertz oo West Ham United iyo Chelsea ka kala tirsan.

Gunners ayaa sidoo kale isha la raacaya Romeo Lavia oo Southampton ka tirsan xilli ay sugayaan in dalabaad u yimaadaan Thomas Partey isla markaana uu Granit Xhaka dalab ka haysto Bayer Leverkusen.

Daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Mohamed Simankan ayaa ku jira liiska daafacyada Arteta calaamadiyay haddii ay waayaan saxeexa Timber.