Maamulka Galmudug oo dadka degan guryaha dowladda ugu baaqay inay ka guuran.

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hanti dhowraha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Xaashi Cusmaan Maxamad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug uu qorshe uga yaal dadka degan dhulalka dowlada ee magalooyinka waaweyn ee Galmudug.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in ay wadaan diwaan galinta xarumaha dowlada ee magaalooyinka guud ahaan Galmudug ee ay gacanta ku hayaan ama ay daganyihiin dadka shacabka ah.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.