Man United Iyo Bayern Munich Oo Ku Kala Calafqaaday Saxeexa Daafacii Sanadka Ee Serie A

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxaha Manchester United iyo Bayern Munich ayaa u muuqda kuwo ku kala guuleystay saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kim Min Jae.

Kim ayaa xilli ciyaareedkii tagay wacdarro lasoo dhigay Napoli oo uu 33 sano kaddib horyaalka Scudetto ku hoggaamiyay isagoo noqday daafacii xilli ciyaareedka ugu fiicnaa tartankaas.

Man United ayaa ahayd kooxda inta ugu badan xiiso u muujisay 26 sano jirkaas oo lala xidhiidhinayay balse waxay u muuqdeen kuwo aan wax dhaq-dhaqaaq muuqda ah samaynayn.

Waxa go’aansatay inay tartankiisa soo gasho Bayern oo deg-deg haatan heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay Min Jae isla markaana tartankiisa ku garaacday Manchester.